Saturday, 23 November 2013

JIIFTO (DURDURKII IRMAANAA) W/C Axmed Zaakir


                                       JIIFTO (DURDURKII IRMAANAA)

Maansadan waxa curiyay Hal-abuur Axmed Cabdicasiis Xaaji Maxamed (Zaakir) waxay si qoto dheer uga hadlaysaa dheefta nabadda iyo dhibta colaaddu leedahay, ummaddu waxay noloshooda ku dabakhi jirtay dhaqanka iyo  Diinta, markii dhaqankii la haleeyay waxa burburay dhaqaalihii iyo tiirarkii nololeed ee bulshada, islamarkaana markay ummadu ka tagtay dhaqankeedii dhaqamadii kalena laqabsanwayday waxa lasoo dersay foolxumooyin badan,  waxa kale oo maansadu tilmaamaysaa in dadka marka uu khilaaf dhexmaro ay kukala bixi jireen,  sharci ku salaysan dhaqanka iyo Diinta  , balse laga leexday oo laga diga rogtay.  

 

Indhawayto deelkii

Damac dhuuni raaciyo

Dilaalbaan u nacayoo

Daahyada kamaan furin

Durdurkii irmaanaa

Waxay maanso dihintahay

Darajiyo sad leedahay

Dun xariira huwan tahay

Xaq markay u danantee

Deel qaaf kabaydhoo

Dabar lagu xadidayoo

Dulucdeedu sugantahay

Afartani dabuubtiyo

Waa daah furkaygii

Inta kale duruustiyo

Cilmigaan ka daalacay

Ninka daaro dhaadheer

Jeexday dabaqyo waawayn

Misna godob daraaddeed

Dabacsani uledi Karin

Baqashiyo digtoonaan

Werwer loogu daw galay

Waxa kaas ka door roon

Nimaan lagu duraynayn

Degelkuu istaagaba

Derbiyada alaylkii

Dermadiisa dhigan kara

Haddii erey lagaa dedo

Docbuu kaaga muuqdaa

Tixda duur xulkeedana

Caqlaa lagu dahaadhaa

Dabku wuxu siraadmaa

Dirirtiyo colaadaha

Dambas laga afuufaa

Marka lays dulaystee

Dulmi lagu adeegtee

Xaq darada la sahashado

Qoon kii dan moodaa

Ilkahays ku diirtaan

Dabadeed gaddeedii

Dhiigbaa ku daatoo

Ragga inan hal-dooriyo

Dirac baa ku leedoo

Geesiyaal la duugaa

Dumar kuna asaybay

Dusha sare ku qaadaan

Agoon daadaheeyaan

Dhaxalkeedu waa dacar

Daybaaq sun lagu daray

Kii doontabaa dhama

Nabaddu waa dalaalimo

Dugsi weeye raaxa leh

Damal weeye la hadhsado

Haddii lays ka diidana

Duunyadu ma taranteen

Darka uma aroorteen

Doog laguma leexsheen

Daadax lama aroosteen

Darmaan lagama dhiibeen

Deris isma bariidsheen

Dayax kuma caweeyeen

Balse doqoni waa moog

Damiirkii wax qaataa

Talo lagu dabiibaa

Ruuxii damqanayaa

Murti loo dudubiyaa

Waa su aal da’ waynee

Ummaddeena darxumiyo

Dayacnaan maxaa baday

Jawaabtuna ma durugsana

Dhaqankii markuu dumay

Wuxuu daafida u rogay

Isku duubnideenii

Isku diir naxeenii

Is daryeeliddeenii

Aqoontiyo dedaalkii

Wuxu sababay diihaal

Dildilaaca nololeed

Boqorow dadkeenii

Waxay daba nashleeyaan

Gaaladii ladayrshoo

Da’ kastaba Ayaanlaw

Door keedi baa maqan

Waxay dawo kadeyayaan

Daluun hoos u qodanoo

Dawliskeedu dheeryahay

Kala duwan dariiqiyo

Halkay sii durdurayaan

Kala dooran xeerkiyo

Waxa lagu dabakhayaa

Duulku wuxu ku noolaa

Dacwaddooda niqi jiray

Dooddooda sixi jiray

Waa iga dardaarane

Dhab u fiirsha dunidoo

Dib u eega hidihiyo

Diintii xaqqa ahayd.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Tuesday, 22 October 2013

Maanso baroor diiq ah(GACMAHAAD NAGOYSAY) Axmed Cabdicasiis (Zakir)

    Maansadan  lamagac baxday (Gacmahaad Nagoysay) oo uu tiriyay Axmed Zaakir 01/0ct/2012 wakhtigaas oo ahaa wakhti naxdin leh oo lagu tilmaami karo murugo madaw oo soo martay ummada afsoomaaliga ku hadasha, gaar ahaan Shacabka reer Somaliland kadib markii uu geeriyooday Allaah ha u naxariistee Boqorkii Luuqada Soomaaliga Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac oo loo yaqaanay (Gaariye) . geeridaas Abwaan Gaariye oo naxdin wayn lahayd islamarkaana si gaar ah u taabatay Abwaan Ahmed Abdi-aziz (Zakir) ayay ku dhalatay maansadan (Gacmahaad nagosay) oo uu kusifaynayo shakhsiyadii Alle ha unaxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) heerkii iyo kaalintii uu kaga jiray ummada, doorkii laxaadka waynaa ee uu kasoo qaatay halgankii dib u xoraynta qaran ee SNM hormuuka ka ahayd, Sugaantiisii hodanka ahayd iyo taariikhdiisii dahabka ahayd,iyo sidoo kale kaalintii baaxadda lahayd ee uu kagajiray dhismaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo maanta kamid ah Dawladaha aduunka ka jira islamarkaana u dhaqaaqday dhinaca geedi socodka Dimuqraadiyadda,  sidoo kale waxay maansadu ugu danbayntii ALLE uga bariday in uu geesigaa qaran ee geeriyooday Naxariistiisa jano kawaraabiyo.
                      

Ø  Geesibuu ahaayoo
Ø  Garashada aqoontiye
Ø  Gacan deeqsinimo iyo
Ø  Galad eebe siiyo
Ø  Xaqa garab istaagoo
Ø  Marka ay gadeediyo
Ø  Dhaafto garashadiisana
Ø  Gabayada ku ciilbaxa
Ø  Wuxuu galay abaal aan
Ø  Waligii gaboobayn
Ø  Halgankii gumaysiga
Ø  Gumaadkii kacaankiyo
Ø  Gawraca dadkaygii
Ø  Gafka looma ooyee
Ø  Guubaabo heestiyo
Ø  Geeraarka maansada
Ø  Intuu gooni ulabaxay
Ø  Kuwii godobta galay iyo
Ø  Kugilgilay cadaawaha
Ø  Guluftiyo colaadaha
Ø  Ganaftiyo rasaastii
Ø  Iyo orod guclayntii
Ø  Marna gaabismuuhayn
Ø  Xaq udirire gaariye
Ø  Geeridii haleeshaay
Ø  Gacmahaad nagoysee
Ø  Geedkaa hajabo oo
Ø  Haguuloobin waligaa
Ø  Guulaw macbuudaw
Ø  Gacantaadu furanee
Ø  Il kalgacalle nagu eeg
Ø  Geeridu xaqweeyee
Ø  Uwaasici godkiisoo
Ø  Galkii jano firduusiyo
Ø  Kugudoon naciimoo
Ø  Markay gaadho wakhtigii
Ø  Uumiyaha gun iyo baal
Ø  Lasoo wada gunaanado
Ø  Rasuulkayagi galabtaa
Ø  Kii garab istaagee
Ø  Lagalbada kayeeloo
Ø  Anagana nagaadhsii.



Saturday, 12 October 2013

Maanso (QALALAANSE NOLOLEED). W/C Axmed Zaakir

Maanso  (QALALAANSE  NOLOLEED). W/C  Axmed Zaakir 

Maansadani waxay ka curatay xaaladda wakhtigan aloosan misna aan ugubka ahayn oo sababi karta hagar daamo iyo dib udhac saamayn ku yeesha jiritaanka ummadnimo.
Waa maanso odorosaysa  sida qabyaaladdu  dhaawac ugu keenayso Qarannimada.
Markan dhugtay indhahaygana ku daalacday dhawaaqyada beelaysan ee degel kasta ka yeedhaya oo sida runtii ah dheg xumo inoogu filan ummad ahaan, waxad arkaysaa qof ku takri falay hanti qaran haddii dambigiisa la sheego waxa ka damqanaya reer hebel, islamarkaa waxa igu dhalatay tixdan oo aan uga dan leeyahay inaan dhawaaq suugaaneed ugu baaqo in dhabada ay hayaan dhaxal siin doonto meel aanay dib ugu soo laaban Karin, haddii aan dhakhso wax looga qaban.

Qaacidooyin suganbaa
Xaqiiqadu ku qoran tahay
Runta lama qawadayee
Kobtay qurux kuleedahay
Ayaa lagu qotomiyaa
******************
Waxan soo qadimayaa
Sartu Halkay ka qudhuntee
Haddii aan wax laga qaban
Waa hoog qasaariyo
Qalalaanse nololeed
quusbaynu  joognaa
******************
Suugaan qaaliyoo culus
Oo qaaliboo dihin
Abwaan Caato qirijiray
Ayaan  qurus tusaale ah
 Tixdan ugu wan qalayaa
Qaalinkii barwaaqada
Lagu koriyay qunbahee
Ka qaraaray dooggee
La durduriyay qaydhabka
Wuxu qawrac laasimay
Waagu  kurusku qaadhee
Ee qabawga jiilaal
Ku qabsaday cadaysimo
******************
Ninka qoon dirsadayee
Qasrigiisa u igmaday
Ku qamaaray dabadeed
Qarashkii dad waynaha
Intuu qaatay kaligiis
Qasnadaha ka buuxsaday
Misna wuu qawadayaa
Qaar kaluu ku leeyahay
Qandaraasyadoo idil
Qolqol iigu leexiya
Aan kala qorsheeyoo
Qaybtayda goostee
Hadday inagu qaraxdana
Qoysbaan ka dhalanoo
Qoortana  inoo sudhan
Ka qarsoon xashaashaqu
Intaan lagugu qaylinin
Qofna kuma arkaayee
Adna maanta ha is qadin
Intaa waxay ku qawlaan
Isku wada qancinayaan
Qosolkay jarjarayaan
Walee qoomammaa xigi
Qalinbay ku xadayaan
Qodoxbay ku mudayaan
qadafbay  ku sheeggeen
Sharci qaban lahaayoo
Maxay qodobbo sheelleen
Qoloftii  kamay go in
Qaashashkay abuureen
Ifka waw qasaaroo
Qayr kama macaashaan
Qaan bay ku tahayoo
Qalayl bay ku liqayaan
Qadhaadhbay ku leeffaan
Qaaxay ku dhalisaa
Qiyaamaha xisaabbaa
Lagu qaadi doonaa
Kuwa dheeftay qarandida
*******************
Inta uu qardoof jiro
Xaajadu qaribantahay
Xaqu uu qarsoon yahay
Cadaaladdu qafulantahay
Qabyaaladdu samaan tahay
In qumaati loo kaco
La qiyaasto  geediga
Hami qaawan weeyaan
Iyo qorax habeennimo
******************
Qubuuruhu ma noolee
Yaan la quudan meytida
Yaan la isku qoor goyn
Qaladdaadkay geysteen
Xadhig ha isu qoolinna
yaan loo qalwayn ruux
midbay qolo wadaagaan
Qarnibaynu maraynaa
Ka caraabay qayrkeen
*******************
Midkastaa wuxuu qabo
U qayshaartay sumadiis
Waa in qoorta loo sudho
Kii idin qadaacana
Qiil ha u samaynina
*******************
Qarannimadu waa geed
Midho qoyan ku yaallaan
Raaxiyo qabawba leh
Jiriddiisu quwad tahay
Qun yar laguma jari karo
Qabiilaysi waa laan
Qaabkeedu fudud yahay
Hadday qaawan tahayoo
Qudhaceedi laga jaray
*****************
Qaadirkii na uumaw
Addaa qaniya Eebaw
Adigaa Quduusoo
Qahaaroo Kariimee
Naga cadhi qabqablaha
Qurbaan ruugga naga xaadh
Qalqalooca naga dhawr
Quluubtayada rabiyaw
Hanakala qarqoorsiin
Midba qoobad yuu gelin
Cadaw nagu qafaalanin
Ummad kuu  qushuucdoo
Quraankaagu deeqoo
Qumman ugu adeegtoo
Wax ku qaata naga yeel.



Monday, 23 September 2013

MAANSO: QOORAANSI UGUBEED

QOORAANSI UGUBEED

Maansadan oo ka curatay xaalad dhab ah oo xambaarsan dareenno qalbiyo isku boholyoobay, duruufo ku xeeran jacayl gaamuray oo ku xasilay laba isku beer nugul, kana siman arimada kalgacal, waa dardaaran, hogotusaalayn, waa maanso ku raad joogta sahan umaqan quluub isku ooman.
W/C  Axmed CabdiCasiis Xaaji Maxamed (Abwaan Saakir) 

Saxansaxo ugdoonbadan 
Cirka soo onkodayaa
Ceeryaan isqarisoo
Ifafaalo roobeed
Geel ay kukala lumay 
Aarankiyo abeedigu 
Waa ka isu ololee 
Isusoo dunuunuca 
Sida ubadka diinkuba 
Jaleecada ku ababaan 
Eegmada xishoodkee
Laguladhay asluubtiyo 
Qooraansi ugubeed 
Ashqaraarka muuqaa
Kama sugan ishaydoo
Afka luunki kama go in
Ammaaradda duruufuhu
Haday kugu adkaadaan
Ha u jabin caloolyaw 
Ha kuseexan urugada 
Ha israacin waayahay
Samirkiyo adkaysiga 
Ku istiil dulqaadkoo
Ka abqaal hirdoogloo 
Aayatiinka nololeed 
Usii ooda qaadoo
Ku iftiimi rajadiyo 
Ilayskii badhaadhaha 
Aaggaa hortaada ah 
Indhahaad ku garataa
Inta muuqanaysaa 
Waa astaan in kaa dedan 
Ruuxi loo ilbixiyaa
Abbaar sugan ka foofee
Ha ilduufin caashaqa 
Ha iloobin nidarkii
Ha ku eeran nacabkiyo 
Inta xumo abuurtee 
Ku asqoobay xadhigqool
Waxyeelaynta aadmiga 
Adigoo yagleel degey
Edeg kuguma biirshaan  
Adigoo itaal biday 
Inta aad ka roontahay 
Olol kale kudaaraa
Arxan kuuma gelayee
Ka asturo sirtaadoo
Iintaada yuu helin
Anna waxan ku taamaa
Isku hagar baxeenee 
Ubucdaa wadnaa bidix 
Aqal wada xariiroo 
Lagu dayray udugoo 
Calafkuna ilaaliyo 
Afartiisa daamood 
Nasiibkuna ugbaadiyo
Dhirta wada ugdoonka ah
Wuxu uga arooraa 
Ilihii kalkawsare
Aayaduu tilmaameen 
Waxay oofinaayaan
Amaradi lafarayoo
Way inoo adeegaan 
Idilkood ma hawlyara
Laba uurku taalada
Aafada jacaylkiyo
Aramida kawadasiman
Laba wacad Ilaahay 
Neefta isku aaminay 
Ifka inay midoobaan 
Aakhirana daartii
Anbiyada ku hoydoo 
Janadii ku ictisima 

قصيدة (نظرة خاطفة )

                                                   قصيدة (نظرة خاطفة )       
   هذه القصيدة من وحي هذا العصر الذي بلغ التهيج العاطفي أوجه..نظمها الشاعر الصومالي: أحمد عبدالعزيز زاكر بلغته الأم, وترجمها الى لغة الضاد الشاعر: محمد عبد الرحمن الشاعر.. موضوعها يدور حول محور شوق المحب لمحبوبته, بأسلوب يتسم بصدق العاطفة وروعة الأداء..فهي لوحة شعرية من الطراز الأول رسمها الشاعر بكلماته..تقدم للقارئ صورة الحب بثوب اللوع الذي أناخ في فؤاد الشاعر, مع ذكر دور الوشاة الذين يسعون دائما لهدم هذا الصرح الشامخ, ولكن هيهات هيهات..سيظل الحب أبديا كما كان........................

هبت وفي كبدي المقروح جمرتها
كأنها النسمة الحيرى بافاقي
أشيم بالعين مزنا في محاسنها
كنت بطياتها دائي وترياقي
فكلما لاح لي في القلب مطلعها
أطلقت من حافر الأحشاء أشواقي
 ****************  
وفي مدى مقلتيها الخافرات أرى
حسن الخلال التي نيطت بأخلاق
رأيتها وعيوني بعد ظامئة
لم تنكفئ شمسها تبدوا باشراق
 ****************  
يا بهجة الروح ان أزرى بنا زمن
وسامنا الدهر خسفا دون اشفاق
وطال عالمنا ليل النوى ظلما
وشكت النفس أن نألوا لاخفاق
فابعث رجاءك في الدنيا يهدهدنا
وقد تحلى ببند منه خفاق
من لم ترى غده الاتي بصيرته
فقد أضاع ببيد عمره الباقي
 ****************  
يا بهجة الروح لا تنسي الغرام فان
تنسي الهوى حكمت روحي بازهاق
ولا تصيخي لأقوال الوشاة,طغوا
واجعل للبك من أفكارهم واقي
ان العذول اذا شيدت مملكة
بعالم الحب فيها سمت عشاق
جاب العوالم يملي ألف منقصة
من هولها لم تكد تحصى بأوراق
وان راك بنار الهم مكتويه
يقول يا ليتها زيدت باحراق
يابهجة الروح فاطوي السر عن يده
واقبره بين الحشا المضنى بأعماقي
 ****************  
يا مهجتي لك بين القلب منزلة
الله حارسها في كل ارفاق
فاحت زهور الربى في طيب تربتها
والكوثر العذب في أعماقها ساقي
اذا تمنيت يوما بعض أمنية
أتت طواعية فيها باحقاق
 ****************