JIIFTO (DURDURKII IRMAANAA)
Maansadan waxa curiyay Hal-abuur
Axmed Cabdicasiis Xaaji Maxamed (Zaakir) waxay si qoto dheer uga hadlaysaa
dheefta nabadda iyo dhibta colaaddu leedahay, ummaddu waxay noloshooda ku
dabakhi jirtay dhaqanka iyo Diinta,
markii dhaqankii la haleeyay waxa burburay dhaqaalihii iyo tiirarkii nololeed
ee bulshada, islamarkaana markay ummadu ka tagtay dhaqankeedii dhaqamadii
kalena laqabsanwayday waxa lasoo dersay foolxumooyin badan, waxa kale oo maansadu tilmaamaysaa in dadka
marka uu khilaaf dhexmaro ay kukala bixi jireen, sharci ku salaysan dhaqanka iyo Diinta , balse laga leexday oo laga diga rogtay.
Indhawayto deelkii
Damac dhuuni raaciyo
Dilaalbaan u nacayoo
Daahyada kamaan furin
Durdurkii irmaanaa
Waxay maanso dihintahay
Darajiyo sad leedahay
Dun xariira huwan tahay
Xaq markay u danantee
Deel qaaf kabaydhoo
Dabar lagu xadidayoo
Dulucdeedu sugantahay
Afartani dabuubtiyo
Waa daah furkaygii
Inta kale duruustiyo
Cilmigaan ka daalacay
Ninka daaro dhaadheer
Jeexday dabaqyo waawayn
Misna godob daraaddeed
Dabacsani uledi Karin
Baqashiyo digtoonaan
Werwer loogu daw galay
Waxa kaas ka door roon
Nimaan lagu duraynayn
Degelkuu istaagaba
Derbiyada alaylkii
Dermadiisa dhigan kara
Haddii erey lagaa dedo
Docbuu kaaga muuqdaa
Tixda duur xulkeedana
Caqlaa lagu dahaadhaa
Dabku wuxu siraadmaa
Dirirtiyo colaadaha
Dambas laga afuufaa
Marka lays dulaystee
Dulmi lagu adeegtee
Xaq darada la sahashado
Qoon kii dan moodaa
Ilkahays ku diirtaan
Dabadeed gaddeedii
Dhiigbaa ku daatoo
Ragga inan hal-dooriyo
Dirac baa ku leedoo
Geesiyaal la duugaa
Dumar kuna asaybay
Dusha sare ku qaadaan
Agoon daadaheeyaan
Dhaxalkeedu waa dacar
Daybaaq sun lagu daray
Kii doontabaa dhama
Nabaddu waa dalaalimo
Dugsi weeye raaxa leh
Damal weeye la hadhsado
Haddii lays ka diidana
Duunyadu ma taranteen
Darka uma aroorteen
Doog laguma leexsheen
Daadax lama aroosteen
Darmaan lagama dhiibeen
Deris isma bariidsheen
Dayax kuma caweeyeen
Balse doqoni waa moog
Damiirkii wax qaataa
Talo lagu dabiibaa
Ruuxii damqanayaa
Murti loo dudubiyaa
Waa su aal da’ waynee
Ummaddeena darxumiyo
Dayacnaan maxaa baday
Jawaabtuna ma durugsana
Dhaqankii markuu dumay
Wuxuu daafida u rogay
Isku duubnideenii
Isku diir naxeenii
Is daryeeliddeenii
Aqoontiyo dedaalkii
Wuxu sababay diihaal
Dildilaaca nololeed
Boqorow dadkeenii
Waxay daba nashleeyaan
Gaaladii ladayrshoo
Da’ kastaba Ayaanlaw
Door keedi baa maqan
Waxay dawo kadeyayaan
Daluun hoos u qodanoo
Dawliskeedu dheeryahay
Kala duwan dariiqiyo
Halkay sii durdurayaan
Kala dooran xeerkiyo
Waxa lagu dabakhayaa
Duulku wuxu ku noolaa
Dacwaddooda niqi jiray
Dooddooda sixi jiray
Waa iga dardaarane
Dhab u fiirsha dunidoo
Dib u eega hidihiyo
Diintii xaqqa ahayd.
No comments:
Post a Comment