Maansadan lamagac baxday (Gacmahaad Nagoysay) oo uu tiriyay Axmed Zaakir 01/0ct/2012 wakhtigaas oo ahaa wakhti naxdin
leh oo lagu tilmaami karo murugo madaw oo soo martay ummada afsoomaaliga ku
hadasha, gaar ahaan Shacabka reer Somaliland kadib markii uu geeriyooday Allaah ha u naxariistee Boqorkii Luuqada Soomaaliga Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac oo loo
yaqaanay (Gaariye) . geeridaas Abwaan Gaariye oo naxdin wayn lahayd
islamarkaana si gaar ah u taabatay Abwaan Ahmed Abdi-aziz (Zakir) ayay ku
dhalatay maansadan (Gacmahaad nagosay) oo uu kusifaynayo shakhsiyadii
Alle ha unaxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) heerkii iyo
kaalintii uu kaga jiray ummada, doorkii laxaadka waynaa ee uu kasoo qaatay
halgankii dib u xoraynta qaran ee SNM hormuuka ka ahayd, Sugaantiisii hodanka
ahayd iyo taariikhdiisii dahabka ahayd,iyo sidoo kale kaalintii baaxadda lahayd
ee uu kagajiray dhismaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo maanta kamid ah
Dawladaha aduunka ka jira islamarkaana u dhaqaaqday dhinaca geedi socodka
Dimuqraadiyadda, sidoo kale waxay maansadu ugu danbayntii ALLE uga
bariday in uu geesigaa qaran ee geeriyooday Naxariistiisa jano kawaraabiyo.
Ø Geesibuu ahaayoo
Ø Garashada aqoontiye
Ø Gacan deeqsinimo iyo
Ø Galad eebe siiyo
Ø Xaqa garab istaagoo
Ø Marka ay gadeediyo
Ø Dhaafto garashadiisana
Ø Gabayada ku ciilbaxa
Ø Wuxuu galay abaal aan
Ø Waligii gaboobayn
Ø Halgankii gumaysiga
Ø Gumaadkii kacaankiyo
Ø Gawraca dadkaygii
Ø Gafka looma ooyee
Ø Guubaabo heestiyo
Ø Geeraarka maansada
Ø Intuu gooni ulabaxay
Ø Kuwii godobta galay iyo
Ø Kugilgilay cadaawaha
Ø Guluftiyo colaadaha
Ø Ganaftiyo rasaastii
Ø Iyo orod guclayntii
Ø Marna gaabismuuhayn
Ø Xaq udirire gaariye
Ø Geeridii haleeshaay
Ø Gacmahaad nagoysee
Ø Geedkaa hajabo oo
Ø Haguuloobin waligaa
Ø Guulaw macbuudaw
Ø Gacantaadu furanee
Ø Il kalgacalle nagu eeg
Ø Geeridu xaqweeyee
Ø Uwaasici godkiisoo
Ø Galkii jano firduusiyo
Ø Kugudoon naciimoo
Ø Markay gaadho wakhtigii
Ø Uumiyaha gun iyo baal
Ø Lasoo wada gunaanado
Ø Rasuulkayagi galabtaa
Ø Kii garab istaagee
Ø Lagalbada kayeeloo
Ø Anagana nagaadhsii.
No comments:
Post a Comment