QOORAANSI UGUBEED
Maansadan oo ka curatay xaalad dhab ah oo xambaarsan dareenno qalbiyo isku boholyoobay, duruufo ku xeeran jacayl gaamuray oo ku xasilay laba isku beer nugul, kana siman arimada kalgacal, waa dardaaran, hogotusaalayn, waa maanso ku raad joogta sahan umaqan quluub isku ooman.
W/C Axmed CabdiCasiis Xaaji Maxamed (Abwaan Saakir)
Saxansaxo ugdoonbadan
Cirka soo onkodayaa
Ceeryaan isqarisoo
Ifafaalo roobeed
Geel ay kukala lumay
Aarankiyo abeedigu
Waa ka isu ololee
Isusoo dunuunuca
Sida ubadka diinkuba
Jaleecada ku ababaan
Eegmada xishoodkee
Laguladhay asluubtiyo
Qooraansi ugubeed
Ashqaraarka muuqaa
Kama sugan ishaydoo
Afka luunki kama go in
Ammaaradda duruufuhu
Haday kugu adkaadaan
Ha u jabin caloolyaw
Ha kuseexan urugada
Ha israacin waayahay
Samirkiyo adkaysiga
Ku istiil dulqaadkoo
Ka abqaal hirdoogloo
Aayatiinka nololeed
Usii ooda qaadoo
Ku iftiimi rajadiyo
Ilayskii badhaadhaha
Aaggaa hortaada ah
Indhahaad ku garataa
Inta muuqanaysaa
Waa astaan in kaa dedan
Ruuxi loo ilbixiyaa
Abbaar sugan ka foofee
Ha ilduufin caashaqa
Ha iloobin nidarkii
Ha ku eeran nacabkiyo
Inta xumo abuurtee
Ku asqoobay xadhigqool
Waxyeelaynta aadmiga
Adigoo yagleel degey
Edeg kuguma biirshaan
Adigoo itaal biday
Inta aad ka roontahay
Olol kale kudaaraa
Arxan kuuma gelayee
Ka asturo sirtaadoo
Iintaada yuu helin
Anna waxan ku taamaa
Isku hagar baxeenee
Ubucdaa wadnaa bidix
Aqal wada xariiroo
Lagu dayray udugoo
Calafkuna ilaaliyo
Afartiisa daamood
Nasiibkuna ugbaadiyo
Dhirta wada ugdoonka ah
Wuxu uga arooraa
Ilihii kalkawsare
Aayaduu tilmaameen
Waxay oofinaayaan
Amaradi lafarayoo
Way inoo adeegaan
Idilkood ma hawlyara
Laba uurku taalada
Aafada jacaylkiyo
Aramida kawadasiman
Laba wacad Ilaahay
Neefta isku aaminay
Ifka inay midoobaan
Aakhirana daartii
Anbiyada ku hoydoo
Janadii ku ictisima
No comments:
Post a Comment